Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda NCA oo afar mashruuc-biyood ku wareejisay Wakaaladda Biyaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda NCA ayaa maanta oo Talaado ah , waxay Wakaaladda horumarinta Biyaha Puntland ku wareejisay , afar mashruuc oo biya ah, kuwaasi oo hay’addu ka hirgelisay Kaamamka Jillab la isku yiraahdo ee ku yaalla magaalada Garoowe iyo sidoo kale tuulada Balleey oo ka tirsan isla degmada Garoowe.

Munaasabadda waxaa goob-joog ahaa, maamulka degmada Garoowe, mas’uuliyiinta shirkadda Biyaha NUWACO, saraakiil ka socotay hay’adda NCA iyo maamulka sare ee wakaaladda Horumarinta Biyaha dowladda Puntland oo la wareegtay afarta mashruuc.

Madaxa hay’adda NCA Puntland, Cabdiqafaar Cabdiraxmaan Sheikh Axmed iyo maareeyaha guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland, Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah uga warbixiyay afarta mashruuc-biyood ee hay’adda NCA ka hirgelisay kaamamka Jillab iyo tuulada Balleey oo ka tirsan degmada Garoowe.

Sidoo kale, qaar kamid ah dadkii ka faa’idaystay mashruucyada biyaha ay hay’addu hirgelisay ayaa si weyn ugu mahadceliyay NCA, waxaana ay ka sheekeeyeen dhibka ay biya la’aantu ku haysay, ka hor inta aysan NCA hawshaasi qaban.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Hay’adda NCA oo afar mashruuc-biyood ku wareejisay Wakaaladda Biyaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this