Sign in to follow this  
Deeq A.

Shilalka Gaadiidku Waa Dhib Dhacaya inta Gaadhi jiro, xalka loo hayaana waa mid u baahan In la fuliyo oo la Joogteeyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shilalka Gaadiidku waa dhib dhici doonta inta Gaadhi jiro xalka loo hayaana waa mid u baahan in la fuliyo oo la joogteeyo.

Maalinkasta, Goorkasta, Goobkasta, Shilalka Gaadiidku way ka dhacayaan waanna ay sii badanayaan waxaanna sabab u ah Horumarka laga gaadhey xagga Dhaqaalaha maxaa yeellay qofkasta marka uu dhaqaalihiisu kobco waxa kaliya ee uu ka fikirayaa waa Gaadhi Iibso!. Nimcokastaa Nusqaan lagama waayo, fikirkeennu wuxuu noqday gaadhi Iibso, kaxayso ka dibna ku baro waddistiisa, Iyada oo ay ka horreysay inuu Qofku gaadhiga barto intaannu Iibsan.

Dadka qaarkood marka aad la sheekaysatid waxay ku odhanayaan Ilaa aad Shil gashid Gaadhi baranmaysid taas oo kugu dhiirrigalinaysa innaad iska kaxaysatid Barasho la’aan.

Baabuurtu waa baahi loo baahan yahay wax-wayna ka taray isku socodka bulshooyinka iyo magaalooyinka iyadoo ay muhiimad badan inoo leeyihiin oo aynaan la’aantood waxba inoo qabsoomeen ayaa haddana waxa badan dhibka dhimasho iyo dhaawac leh ee ay maalin kasta inoo geystaan oo ay sabab u yihiin Darawal xumo iyo Waddo xumo.

Tallooyinka aan hayo waxaa ay noqonayaan:–

1. Wacyi-galinta oo la badiyo
2. Waddooyinka oo la dayactiro
3. Gaadiidka oo laga shaqeeyo bad-qabkooda
4. Darawalnimadda iyo shuruucda waddooyinka oo la barto.
5. Wakhtiyadda waddista oo feejigni badan la sammeeyo lagana fogaado isticmaalka Telefoon, cunista iyo cabistaba.
5. Joojinta Is-dhaafka deg-dega ah ee aan aqoon iyo waayo-aragnimo ku dhisnayn adigoo sugi karaa maxaa shil ku galinaya.
6. Taxadirka la’aanta joogtadda ah.
7. Dhimista Xawaaraha Xad dhaafka ah.

Xal waa aynu haynaa kaliya waxa aynu u baahan nahay fulin iyo Joogtayn.

Rakad Mxd Sultan
Danneeya Bulsho.
Berbera
Farxaanmxd@gmail.com
Rakad Mxd Sultan Facebook.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this