Deeq A. Posted September 24, 2019 Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey deegaano dhaca xadka dalkaasi uu la wadaago Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay illaa 7 qof oo si sharci darro ah ku galayey gudaha dalkaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in haatan dadkaasi lagu hayo xabsi ku yaalla deegaanka Libooya ee dalka Kenya. Dadkan ayaa lagu soo warramayaa in ay isug jiraaan ganacsato iyo arday dano kala duwan ku lahaa dalkaasi. Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay saartay xiyaarada hawada Jubbaland, waxaa sii xoogeysanayey dadka ka tallaabada xadka Soomaaliya iyo Kenya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites