Deeq A. Posted September 24, 2019 Madaxweyne Farmaajo oo la guddoon siiyay Abaalmarinta Concardia Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa la guddoon siiyay Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Hoggaaminta Suubban ee Concardia. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa abaalmarintan la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki, waxayna abaalmarinta ku muteysteen kaalintii ay saddexda hoggaamiye ka qaateen nabadaynta iyo is dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kan Eritrea, Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sanadkii hore heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea. Heshiiskaas ayaa lagu qeexay in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar. Hogaamiyaasha Soomaaliya ,Eritrea iyo Itoobiya ayaa sidoo kale dhowr jeer oo kale yeeshay kulamo kala duwan. PUNTLAND POST The post Maxay tahay abaalmarinta la guddoon siiyay Farmaajo? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites