Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Rajo Ka Muujiyay Xal Ka Gaadhista Xiisadda U Dhaxeysa Pakistaan Iyo Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-New York)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu rajo ka qabo heshiis wadajir ah oo wadamada Pakistan iyo Hindiya ka gaadhaan xaaladda cakiran iyo kala duwanaashada ka taagan gobolka Kashmiir.

trump.jpg

Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa hore u sheegay in uu jeclaan lahaa in Trump uu ka qeyb qaato xalinta khilaafka labada dal kadib kulan bishii hore uu kula qaatay aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

Labada hoggaamiye ayaa dhanka kale la filayaa in kulan ay yeeshaan toddobaadkan inta lagu guda jiro shirka hoggaamiyeyaasha dunida ee ka dhacaya magaalada New York.

Hindiya ayaa bishii hore cunaqabateyn dhanka socdaalka iyo isgaadhsiinta ah ku soo rogtay gobolka muslimiinta ee Kashmiir, waxaana ka dhashay xaalado dhanka nolosha iyadoo ay u sii dheertahay in ciidanka amniga Delhi ay xidheen boqolaal qof kuwaasi oo qaarkood jidh-dil loo geystay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this