Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif oo raalli geliyey reer Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa raalligelin buuxda hadal ka dhan ahaa shacabka iyo maamulka K/Galbeed.

Sheekh Shariif ayaa maamulka Koon Galbeed ugu yeeray Bay iyo Bakool, xilli uu shalay shir jaraa’id ku qabanayey gudaha magaalada Muqdisho

Dad badan ayaa ka carooday hadalkaasi, gaar ahaan kuwa soo jeeda deegaanada maamulkaasi.

“Waxaan rabaa inaan ka cudurdaarto hadal maanta aan si u iri, si kalena laga yaabo in loo qaatay oo ahayd markii aan magacyada maamul goboleedyada tirinayay oo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed aan iri Bay iyo Bakool. Ujeedkeygu wuxuu ahaa Koonfur Galbeed Mahadsanidiin..” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/777.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this