Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif oo cashar lama ilaawaan ah u dhigay madaxweyne FARMAJAO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay qaabkii shalay loola dhaqmay ee lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo, waxaana uu uga digay dowladda Federaalka inay dalka u horseeddo burbur, oo ay meel qaldan wax ku wado.

Hadalka kasoo baxay Shiikh Shariif ayaa u muuqday inuu ahaa mid miisaan culus leh isla markaasna ay ka muuqatay dulqaad  iyo inuu rabo in lagu dhaqmo Sharciga.

Shiikh Shariif oo ah nin hadalkiisa uu yahay mid Balaaqo leh ayaa dhawr cashir u dhigay Madaxweyne Farmaajo, waxaana kamid ahaa waxyaabihii soo jiidashada lahaa ee uu Shiikh Shariif khudbadiisa ku sheegay:

1) In Si nabad ah xilka loogu wareejiyey

Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka dhawaajiyey in si nabad ah xilka loogu wareejiyey madaxweyne Farmaajo loona baahan yahay inuu dalka ku maamulo sida uu sharciga qabo, haddii kale ay taas ka dhallan doonto burburka dowladnimada Soomaaliya oo uu sheegay in wax badan laga soo maray

2) In Farmaajo aysan hanta ka oolin Soomaaliya

Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa xusay inuu isaga dalka keenay Farmaajo isagoo boorso iyo Jaakad wato sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay inaysan jirin Hanti Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ka taalo dalka berrina ay diyaarad raacayaan si ay ilmahooda u aadaan, wuxuuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay aayahooda ka tashadaan.

“ Dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma jiro, asaa ka faa’ideystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, annagana dalkaan waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa uu ku socdo waa qaldan yahay” ayuu yiri Shiikh Shariif.

3) Inaan la isku ixtiraameyn wax sharciga ka baxsan

Sheekh shariif ayaa sheegay in Xukumada hadda talada haysa ay ka bayrtay Sharcigii dalka u yaalay isla markaana loo baahanyahay in ay ka tashadaan shacabka Soomaaliyeed, halka uu dambeeyo Dalkaan sida uu hadalka uu dhigay.

“Dowladda waxay ku socotaa hannaan qaldan oo keenaya dowladdu in ay burburto kama aqbali karno Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo boorsadiisa iyo suudkiisa wato annaa magacaabay, dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma jiro, asaa ka faa’deystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, annaga dalkaan waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa uu ku socdo waa qaldan tahay, waxaan leeyahay joogsada meesha aad joogtiin ma dhaafi kartid Soomaalina ha isu timaado”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

4) Dowladda oo shaqadeeda ku fashilmatay

Waxa uu sheegay in dowladu ku fashilantahay in ay wax ka qabato dib u eegista Dastuurka dalka, Amaanka iyo arimaha doorashooyinka oo ku sifeeyay mid ay ku fashilantahey Xukumada Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaana ugu yeero dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaa loo baahan yahay in laga wada hadlo dalkaan meesha uu ku socdo, haddaan Al-Shabaab la dirireynin dalkaan meel qaldan ku socdaa dadka soomaaliyed waxaa lagama marmaan ah inay isu yimaadaan inay talo yeeshaan, aniga waxa igu dhacay waa wax fudud, waa wax aan ka tagi karo, wax ka weyn ayaa haleysan, waxaa arkaa dowladnimada Soomaaliyeed oo dhumeyso, si aysan taasi u dhicin dadka Soomaaliyeed iyo cid walba wax galka ah waxaa qabaa in loo istaago sidii qarankan loo badbaadin lahaa”

Hadalkaan Sheekh Shariif ayaa daba socda awaamiirta dhanka duulimaadyada ee ay dowladdu ku soo rogtay diyaaradaha aadaya Kismaayo, iyadoo shalay la joojiyay diyaarad Muqdisho ka qaadi laheyd Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo ku sii jeeday Kismaayo si uu uga qayb galo Xaflada Caleema saarka Axmed Madoobe oo lagu wada in ay Kismaayo ka dhacdo 26-da bishaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this