Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo gacanta ku dhigtay nin dil ka geystay G/Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) –  Ciidamada Galmudug ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin la sheegay in shalay uu dil ka geystay deegaanka Saddex Xigle ee gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan maamulkaasi oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ninkaasi uu haatan ku xiran yahay xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu  tilmaameen in si deg deg ah cadaallada loo soo hortaagi doono ninkaasi.

Inta badan deegaanada maamulka Galmudug ayaa waxaa ka dhaca dilal salka ku haya arrimo la xariira aano Qabiil.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this