Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheikh Shariif oo sheegay in Soomaaliya ay mar kale cagta saartay wadadii burburka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee dowladdii Federaalka KMG ahayd ee Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa magaalada Muqdisho, ayaa si kulul uga hadlay qaabkii shalay loogu xannibay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday maagalada Kismaayo, halkaasi oo uu kaga qeyb-geli lahaa xafladda caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam.

Waxaan aaminsanay, qof kasta oo muwaaddin ah oo Soomaaliyeed, in uu xaq u leeyahay in uu u safro meesha uu doono iyo goobta uu doono. Marka waxaan u aragnaa nasiib-darro, in dowlad sharci lagu doortay sharciga ay jebiso, marka waxaanu arkayney tacaddi iyo jebin la jebiyay Dastuurka oo dowladdu si bareer ah oo ula kac ah u samaysay xaqna aysan u lahayn” ayuu yiri madaxweynihii hore, Shariif Sheikh Axmed.

Mudane Shariif, waxa uu si cad u sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ee hadda xilka haysa lagu doortay, nidaamka iyo sharciga dalka u yaalla, sidaasi darteedna loo baahanyahay in ay ku dhaqmaan nidaamka iyo Dastuurka waddanka, balse aan marnaba laga aqbali doonin sharci-darro iyo in ay jebiyaan shuruucdii lagu doortay, isagoo ku boorriyay in ay u hoggaansaman Dastuurka.

Dowladdan hadda jirta ee madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyo, waxaa wax loogu dhiibay doorasho, waxaa wax loogu dhiibay Dastuurku waxa uu faraayo, madaxweyne Xassan Sheikh baa ka horreeyay, isagoo awooddii haysta oo ciidamadii xakuma oo imkaaniyaadkii oo dhan haysta, wuxuu ogolaaday in uu yiraahdo waa la iga guulaystay, waxaan u tanaasulay codka Baarlamanka” ayuu sii raaciyay Shariif.

Sidoo kale, wuxuu cambaareeyay go’aankii saaka ay soo saartay hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ee mudda saddex maalmood ah lagu hakiyay, dhammaan duulimaadyadii diyaaradaha Kismaayo, laga bilaabo 23-September ilaa 26-ka isla bishan September, si loo carqaladeeyo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, waxaana Sheikh Shariif xayiraaddaasi ku tilmaamay cuna-qabateyn la saaray shacabka degaannada Jubaland.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in dowladnimada Soomaaliya iyo hannaanka dib u-heshiisiinta dalka labaduba ay burbur ku socdaan, islamarkaana loo baahanyahay in dalka la badbaadiyo “Waxaan rabaa inaana ugu yeero dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaa loo baahan yahay in laga wada hadlo dalkaan meesha uu ku socdo, haddaan Al-Shabaab la dirireynin dalkaan meel qaldan ku socdaa dadka soomaaliyed waxaa lagama marmaan ah inay isu yimaadaan inay talo yeeshaan, aniga waxa igu dhacay waa wax fudud, waa wax aan ka tagi karo, wax ka weyn ayaa haleysan, waxaa arkaa dowladnimada Soomaaliyeed oo dhumeyso, si aysan taasi u dhicin dadka Soomaaliyeed iyo cid walba wax galka ah waxaa qabaa in loo istaago sidii qarankan loo badbaadin lahaa”.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo boorsadiisa wata oo suudkiisa wata anaa magacaabay, isaga dalkan wax ka galay oo Resource ah ma jiraan, isagaa ka faa’idaystay, Xassan Cali Khayrena waa sidoo kale. Annaga dalka waxbaa naga galay mana ogolin in uu burburo, dariiqu ku socdo waa qaldanyahay, waxaan leenahay Stop, meeshaad joogto ma dhaafi kartid Soomaalina ha isu timaaddo” ayuu sii raaciyay.

Hoos ka daawo shirkiisa jaraa’id

PUNTLAND POST

The post Sheikh Shariif oo sheegay in Soomaaliya ay mar kale cagta saartay wadadii burburka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this