Deeq A. Posted September 23, 2019 Muqdisho (SMN) – Maamulka hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in muddo saddex maalin ah hakad la geliyey dhammaan duulimaadyadii tagi jiray garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Amarkan oo ka soo baxay hay’adda duulista hawada ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka September, illaa 26-ka bishan la joojiyey diyaaradaha tegaya ama ka imaanaya magaaladaasi. Sidoo kale hay’adda ayaa go’aankan ku war gelisay shirkadaha duulimaadyada dalka, gaar ahaan kuwa isticmaala garoonka magaalada Kismaayo. Dowladda federaalka ayaa la sheegay in arrintan ay uga hortageyso xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe, taas oo dhowaan ka dhaceyso halkaasi. Tallaabadan ayaa waxaa ka dhashay muran xoogan, kaas oo sababay in shalay la xayiro diyaarad uu la socday Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites