Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif oo ka hadlay is hortaagii lagu sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta faah faahin ka bixiyey is hortaagii shalay lagu sameeyey, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka iyo muwaadiniinta ay u siman yihiin sharciga, uguna baaqayo in ay dhowraan dastuurka u yaalla dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xayiraadii la saaray ay aheyd mid sharci darro ah, islamarkaana ka hor imaaneysa xorriydda socdaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Baarlamaanka Soomaaliya uusan madax banaaneyn, islamarkaana aanu laheyn awoodii looga baahnaa.

Ugu dambeyn wuxuu aad ugu dhaliilay dowladda nabad gelyada iyo dagaalka Al-Shabaab oo uu sheegay inay ku fashilantay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this