Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo Maxkamadda ICJ U Gudbisay Codsi Kale Oo La Xidhiidha Dacwadda Badda Ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Kenya ayaa la xaqiijiyey inay mar kale dib ugu laabtay maxkamadda qaadeysa dacwada badda ee ICJ, iyada oo sheegtay in ay ku yar tahay 2-bada bilood ee la siiyey ee illaa November 4, waxaa ay maxkamadda cadliga ka codsadeen waqti intaas ka badan.

108615874_65417bae-bc3f-4626-8a7a-d38cba

Ilo kiiska ku dhow ayaa sheegay in Kenya oo hore ugu hungowday in muranka badda xal looga gaadho meel ka baxsan maxkamadda ay hadda dib ugu laabatay maxakamadda si waqti u iibsato.

Maxkamadda ICJ weli lama soo xidhiidhin Soomaaliya, laakin waxaan la hubin waxa ay Muqdisho ka yeeli-doonto haddii Kenyaanka dalbadaan waqti ka badan kii ay maxkamadda qabatay ee November 4 ahaa.

Kenaya ayaa hore maxkamadda uga codsatay 12 bilood, laakiin waxaa loo ogolaaday 2 bilood oo ah inta u dhaxeysa September 4-November 4.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this