Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Daacish oo dagaalyahanno cusub ku soo bandhigtay gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay dagaalyahanno cusub oo tababar ku qaadanaya dhulka buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Dagaalyahannadan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib ayey Daacish sheegtay inay ka mid noqonayaan ciidankooda ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Sawirrada laga soo qaaday dagaalyahannadan oo uu afka u duuban yahay ayaa muujinaya, iyaga oo tababar ku qaadanaya mid ka mid ah xeryaha Kooxda Daacish oo lagu magacaabo Daa’uud Al-Soomaali, taas oo loogu magac daray tababare horay loo dilay.

Daacish ma shaacin tirada dagaalyahannadan tababarka ku qaadanaya dhulka buuraleyda ee Puntland, marka laga reebo inay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ay wado.

Dhowaan Mareykanka ayaa shaaciyey inay sare u kacday awooda kooxdan oo inta badan weeraro xoogan ka fulisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Daacish.jpg 1-5.jpg 2-5.jpg 4-4.jpg 5-3.jpgCaasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this