Deeq A. Posted September 23, 2019 (SLT-New York)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa gaadhay magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir sannadeedka Golaha Guud ee loo dhan yahay Qaramada Midoobey. Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo sii maray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Amb. Abuukar Baalle. Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Mareykanka ayaa noqonaya kii u horreeyay ee uu ku tago dalkaas, isagoo Madaxweyne ah, waxaana bil ka hor uu Madaxweyne Farmaajo iska wareejiyay baasaboorkii dalka Mareykanka oo uu ka tanaasulay. Source Share this post Link to post Share on other sites