Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland: DFS Waxay Ciqaab Ku Haysaa Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si kulul uga hadashay falkii shalay garoonka Aadan Cadde loogu xanibay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee dalka, isaga oo ku wajahnaa magaalada Kismaayo.

Waxa ay sheegtay Jubbaland in dowladda ay ku xadgudubtay dastuurka KMG ee dalka u yaalla, qodobka 21-aad farqadiisa 1-aad iyo 2-aad oo sheegaya in muwaadinka Soomaaliyeed xaq u leeyahay in si xornimo ah ugu safro gobollada dalka meesha uu ka doono.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda ay cid walbo oo Jubbaland ah si gaar ah culeys u saartay, taasi oo ka dhigan iney dadka maamulkaasi kasoo jeeda noqdaan kuwo dhibane u ah DFS waa sida ay hadalka u dhigeenne.

Shariif Sheekh Axmed ayaa loo diiday inuu u safro magaalada Kismaayo si uu uga qeybgalo caleema saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this