Sign in to follow this  
Deeq A.

Weeraro xoogan oo xalay ka dhacay Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro madaafiic ah oo xalay ciidamada dowladda, kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ay isku weydaarsadeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa yimid, kaidb markii ay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay hoobiyeyaal la beegsadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku lee yihiin degmada Awdheegle iyo deegaanka Lambar Lixdan ee gobolkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada huwanta ay madaafiic ugu jawaabeen weerarkaasi, kuwaasoo lagu garaacay deegaanada Mubaarak iyo Daaru Salaam.

Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay madaafiicdaasi, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ya xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan weeraradaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana ciidamada Milatariga Soomaaliya ay howlgallo ka bilaabeen inta u dhaxeysa degmooyinka Marka iyo Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this