Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada New York

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada New york ee dalka Maraykanka,halkasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada New york kaga qaybgalaya shirka sanad laha ah golaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa. meertadiisa 74-aad ee  ,kaasi oo looga hadlayo arrimo badan oo quseeya Caalamka,waana

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxda ka qaybgalaysa shirkaasi uga warbixindoona arrimaha Soomaaliya,iyo guud ahaan horumarka ay ku talaabsanayso Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu kulammo doceedyo gooni gooni ah la yeelan doonaa madaxda ka qaybgalaysa shirkaasi,si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka Soomaaliya uu kala dhaxeeyo dowladaha kale ee dunida oo hoggaamiyaashooda shirkaasi ka qaybgalaya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this