Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo hakisay duulimaadyadii Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la hakiyay diyaaradaha aada iyo kuwa ka yimaada garoonka diyaaaradaha magaalada Ksimaayo ee xarunta ku meel gaarka ah Jubbaland.

Go’aanka ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo taariikhdu thay 23 September ilaa 26 September la hakiyay duulimaadyadii Kismaayo, wixii taariikhadaas ka dambeeyana dib loo fasixi doono.

Lama sheegin sababta loo hakiyay duulimaadyada magaalada Kismaayo, balse waxay ku soo aadaysaa iyadoo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe lagu wado in la caleemo-saaro 26 bishan September.

Hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa 29 bishii la soo dhaafay ee Agoosto amar ku bixisay in diyaaradaha ka dhoofaya iyo kuwa ka degaya garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ay soo maraan magaalada Muqdisho.

Shalay ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya laga joojiyay safar hawada ah oo uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo, waxaana go’aankaas cambaareeyey qaar kamid ah dowlad gobaleedyada iyo xisbiyada siyaaasadda.

Dowladda Federaalaka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in aysan aqoon sanayn doorashadii Jubbaland ee lagu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo hakisay duulimaadyadii Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this