Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedka safarka Sheekh Shariif ee Kismaayo oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ah guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa faah faahin ka bixiyey sida loo hakiyey diyaaraddii siday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taas oo ku sii jeeday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ugu horreyn Saleebaan ayaa sheegay inay ka soo ambabaxeen wafdiga uu hoggaaminayey Sheekh Shariif oo uu isagu ka mid ahaa dalka Turkiga, islamarkaana ay Taransit ku ahaayeen garoonka Muqdisho, iygagoo ku socda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in diyaaraddu ay aheyd mid sida shacab, islamarkaana marka ay soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde lagu war galiyey in aysan uu duuli karin Kismaayo, kadib amar ka soo baxay xukuumadda Somalia.

Ujeedka socdaalkooda ayuu ku sheegay inuu la xariiray ka qeyb galka xafladda caleema saarka ee Madaxweynaha dib loo doortay Axmed Madoobe iyo sidii ay u xalin lahaayeen khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Khilaafka Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaa ka dhashay doorashadii Kismaayo, taas oo ay qaadacday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this