Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Shabeellada Hoose oo ku xayiran Marka

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Shabeelada Ibraahim Aadan Najax iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku xayiran magaalada Marka ee gobalka Shabeelada Hoose, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin kat irsan maamulka Marka.

Guddoomiye Najax, ayaa toddobaadkii ka soo laabtay agagaarka Shalaanbood kadib markii ay halkaasi qarax ku weerareen Al-Shabaab isaga iyo wafdigiisa, waxayna dib ugu laabteen Marka oo ah xarunta gobalka Shabeelada Hoose.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Marka ayaa noo xaqiijiyay in Guddoomiyaha uu dalbaday diyaarad balse ilaa hadda aysan u imaanin diyaarad Ciidan oo ka qaada Marka,  si uu u tago magaalada Muqdisho ama degaano kale oo ka tirsan Shabeelada Hoose, oo gaadiid looga bixi karo.

“Guddoomiye Najax waxa uu ka xayiranyahay Marka waxaana la waayay diyaarad soo qaada, sidoo kale waxaa looga digay inuu soo maro dhulka sababtoo ah Al-Shabaab badan ayaa wadada ku sugan” ayuu yiri qof ka tirsan maamulka Marka oo aan la hadalnay.

Gobalka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya ayaa wajahaya dhibaatooyin daran oo dhanka ammaanka ah, waxaana ku sii badanaya weerarada Al-Shabaab. Kii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay degaanka Ceel-Saliini oo ka tirsan magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this