Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo qaabilay wafdi ka socda UNHCR

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Kulankan oo ay muhiimadiisu aheyd sidii loo xoojin lahaa xalka gaarista arimaha barakacayaasha iyo sidii ay u heli lahaayen nolal dagan ayuu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) la qaatay agaasimaha hey’ada QM u qaabilsan qaxootiga aduunka ee UNHCR gaar ahaan Bariga iyo geeska Africa Mss. Clementine Nkweta-Salami,

Masuuliyiinta hey’ada UNHCR iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa arimaha badan isla meel dhigay oo ay kamid ahaayeen horumarinta wada shaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo HNHCR, dardargalinta mashaariicda lagu taageeraayo dadka barakacayaasha ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo lagu qiyaasay iney kor u dhaafeen ( 500.000) qof, sidoo kale waxaa kulan kaan looga hadlay shaqa abuurka dhallinyarada iyo dhismaha xarumaha danta guud.

agaasimaha Bariga iyo geeska Africa u qaabilsan hey’ada qaxootiga aduunka ee UNHCR Mss. Clementine Nkweta-Salami ayaa kulanka kadiba warbaahinta qaranka la hadashay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu tilmaamay in madaxda hey’adda UNHCR ay islameel dhigeen arima muhiim ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this