Deeq A. Posted September 22, 2019 Marka (SMN) – Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday qarxa oo saaka aroortii hore lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha deegaanka Ceel Saliini oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo Raggii soo qaaday weerarka, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey ay ku dhinteen ku dhowaad 30 ruux oo isugu jira labada dhinac. Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerarkaasi, waxaana ay sheegtay in muddo kooban ay la wareegtay gacan ku heynta saldhiggaasi Sidoo kale waxa ay sheegatay Al-Shabaab in dagaalkaasi ay ku dishay askar badan, ayna ku qabsatay hub iyo gaadiid dagaal, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale taliyaha guutada 1-aad qeybta 12-April ee ciidanka Xoogga dalka, Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Nuur Cali(Cadde) ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkaasi, islamarkaana ay ku jabiyeen Al-Shabaab, sida uu u sheegay warbaahinta dowladda. Waxa kale uu beeniyey in dagaalyahannada Al-Shabaab ay la wareegeen deegaankaas oo uu tilmaamay inay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa hadda degan, hase ahaatee ciidamada dowladda ayaa howlgallo iyo dhaqaaqyo ka bilaabay agagaarka magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites