Sign in to follow this  
Deeq A.

Amaro hor leh oo la dul-dhigay duulimaadka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) –War ka soo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ee SCAA ayaa lagu amray in diyaaradaha aadaya Kismaayo ay soo codsadaan fasax markii ay doonayaan inay ka degaan garoonka diyaaradaha ee gudaha magaaladaasi.

Qoraalka hay’adda ayaa lagu sheegay in shirkadaha diyaaradaha laga rabo in 24-tan saac ka hor ay soo dalbadaan fasax ah inay aadi karaan garoonkaasi.

Sidoo kale warka ka soo baxay SCAA ayaa intaasi ku daraya in hay’addu soo saartay Foom fasax ah oo laga buuxinayo diyaaradaha aadaya magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose.

Dhowaan ayey aheyd markii dowladda federaalka Soomaaliya ay martay in diyaaradaha aadaya magaaladaasi ay soo maraan magaalada Muqdisho, si loo hubiyo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this