Deeq A. Posted September 22, 2019 Jalalaqsi (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay isaga baxeen degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi. Sida ay sheegeen dadka deegaanka ciidamadaasi ayaa isaga baxay saldhigyada ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi. Lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamada Jabuuti ay dib uga soo baxeen Jalalaqsi, balse goobaha ay baneeyeen ayaa waxaa la wareegay ciidamada dowladda. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan arrintaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites