Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Karaash: Puntland waxay yeelatay ciidamo soo celin kara dhulka maqan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Karaash ayaa maanta tababar usoo xiray 250 askari oo katirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland.

Axmed Karaash ayaa xaflada ciidamadaan tababarka loogusoo xirayay ka sheegay inay dowladda Puntland yeelatay ciidamo awood buuxda uleh inay soo celiyaan dhulka Puntland ka maqan.

Waxaa madaxweyne ku xigeenku faray taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland in uu si deg deg ah u diyaariyo xeryihii loogu talo galay tayaynta iyo tababarka ciidamada qalabka sida ee Puntland.

The post Axmed Karaash: Puntland waxay yeelatay ciidamo soo celin kara dhulka maqan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this