Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Madaxweyne Sheekh Shariif oo ku xaniban garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog goor-dhow nasoo gaartay ayaa sheegaysa in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa saaran diyaarad ku socota magaalada Kismaayo, oo dowladda Soomaaliya ay diiday inay halkaas ka duusho.

Sida aan xogta ku helnay diyaarada ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo, waxayna wafdiga Sheekh Shariif uu hoggaaminayo ay doonayaan inay ka qayb galayaan munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow soo saartay xayiraad cusub oo dheeraad ah, taas oo ku saabsan duulimaadka Kismaayo.

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saartay amar ah in shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hay’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor.

Hay’adda ayaa ka dalbatay Diyaaraddaha aadaya Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka.

Ma cadda in Sheekh Shariif uu saameeyey amarkan iyo in amarka uu soo baxay kadib markii la celiyey, ayada oo isaga loogu talo-galayo, waxaana ay u badan tahay in amarka uu dambeeyey.

Wixii faah-faahin naga filo dhowaan Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this