Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif Oo Lagu Xayiray Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wefdi uu hoggaaminayey ayaa saacado ku xayirnaa groonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ilo ku dhow wefdiga Sheekh Shariif ayaa inoo xaqiijiyey in markii hore loo diiday inuu u safro magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu wado in ay ka dhacdo munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dedaal badan oo la sameeyey iyo wadahadallo dheer kadib ayaa la fasaxay diyaaraddii Kismaayo u qaadi lahayd Sheekh Shariif.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka yimid dalka Turkiga, isaga oo markii la xayirayey isku diyaarinayey aadista Kismaayo, balse ugu dambeyn waa la fasaxay oo isaga iyo wefdigiisa waa ay u ambabaxeen Kismaayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xayiraad dhanka duulimaadka ah kusoo rogtay Kismaayo, kadib doorashadii madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this