Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo war ka soo saartay weerarkii Ceel Saliini

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabao  (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ibraahin Aadan Cali (Najax) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey weerar xoogan oo saaka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceel Saliini oo hoos yimaada magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Najax ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay iska caabiyeen weerarkaas, islamarkaana ay khasaare ku gaarsiyeen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu guul u rajeynayo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee howlgallada ka wada gobolka Shabeelaha Hoose.

“Waxaan boggaadinayaa geesiyaasha CXD ee iska difaacay kooxda khawaariijta Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday deegaanka Ceel Saliini,guuleysta geesiyaasha dalkeenow ayuu yiri.”Guddoomiye maamulka gobolka Sh/ Hoose.

Weerarkan oo ku bilowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa dhankkeeda guul  ka sheegtay Al-Shabaab.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay la wareegtay gacan ku heynta saldhigga ciidamada dowladda ee deegaankaasi, sidoo kalena ay weerarkaasi ku dishay askar badan oo ka tirsanaa kuwa dowladda, ayna ku qabsatay hub iyo gaadiid dagaal.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid degan, inkastoo weli laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhoco halkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this