Sign in to follow this  
Deeq A.

Budhcad-badeed Soomaali Ah Oo Sii Deysay Muwaadin U Dhashay Dalka Iran

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Budhcad badeed Soomaali ah ayaa sii deysay badmaaxe u dhashay dalka Iran kadib muddo afar sanno oo uu ku jirey gacantooda.

badmaax.jpg

Maxamed Sharif Panahandeh ayaa la sheegay in la sii daayay kadib markii xannuun uu soo waajahay hase yeeshee illaa saddex badmaax oo la socotay Sharif kana soo jeeda dalka Iran ayaa weli ku jira gacanta koox ka afduubatay xeebaha Soomaaliya sannadkii 2015-kii.

Muwaadinkan u dhashay dalka Iran ayaa la sheegay in la geeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaa oo uu dalkiisa ugaga sii gudbi doono sida ay sheegtay idaacada BBCda.

Kooxda afduubka ku haysatay afartan badmaax ee u dhashay dalka Iran ayaa dalbaday lacag madax furasho ah hase yeeshee illaa iyo hadda ma jirto cid u ballanqaaday amaba siisay lacag madax furasho ah.

Budhcad badeeda Soomaalida ah eek u weerari jirtey xeebaha Soomaaliya iyo xeebaha u dhow dhow ayaa hoos u dhac weyn ku yimid tan iyo sannadihii la soo dhaafay kadib markii maraakiib hubeysan ay bilaabeen inay ilaalo ka qabtaan xeebaha Soomaaliya.

Waxaan ku jira xabsiyo ku yaalla dalal badan oo caalamka ah dhalinyaro Soomaali ah kuwaasoo laga qabqabtay xeebaha badweynta Hindiya iyagoo doonayay inay afduubtaan maraakiibta marta badda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this