Deeq A. Posted September 22, 2019 Marka (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar saaka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha deegaanka Ceel Saliini hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhex maray ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday. Sidoo kale ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka hubka noocyadiiska kala duwan oo ay isweydaarsanayeen labada dhinac. In ka badan 10 askari ayaa lagu soo warramayaa in waxyeelo isugu jirta dhimashi iyo dhaawac ay ka soo gaartay weerarkaasi. Dhinacakale Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkan ayaa waxa ay sheegatay in ay la wareegtay gacan ku heynta saldhigga ciidamada dowladda ee deegaankaasi Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay ku dishay dagaalkaasi askar badan, kuna qabsatay hub iyo illaa lix gaadiid ah, sida ay hadalka u dhigtay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites