Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo guure uga baxay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hogaamniyao ayaa xalay guure kaga baxay magaalada Garowe.

Madaxweyne Deni ayaa xalay saxdii dhere safar dhulka ah ugu ambabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, wuxuuna isagoo aan meelna ku hakan gaaray saaka arooryadii.

Madaxweyne Deni ayaa magaalada Boosaaso kula kulmi doona wadfi ka socda Imaaraadka, oo halkaas soo gaari doona, waxayna kawada hadlli doonaan arrimo ay kamid yihiin dhismaha dekedda Boosaaso iyo amniga.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku safray wadada aadka u burbursan ee isku xirta Garowe iyo Boosaaso oo roobabkii gu’gii dhaweyd u geysteen khasaare xooogan.

Waa safarkii labaad oo Madaxweyne Deni ku tago magaalada Boosaaso tan iyo intii la doortay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo guure uga baxay Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this