Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jabuuti oo isaga baxay degmada Jalalaqsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)  – Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee loo yaqaano (Hiil Walaal) ayaa lagu soo warramayaa in ay isaga baxeen guud ahaan saldhigyadii ay ku lahaayeen gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ilo deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in ay arkayeen ciidamadaasi oo wata gaadiidka dagaal oo faarujinaya degmadaasi.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamada Jabuuti ay dib uga soo baxeen degmada Jalalaqsi oo in muddo ah ku sugnaayeen.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in saldhigyada ay baneeyeen ciidamada AMISOM ay la wareegeen kuwa Milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in aysan wax war gelin ah ka helin ciidamada Jabuuti, islamarkaana ay ka war heleen kaliya bixitaankooda.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maalmihii dambe Jalalaqsi ay ka dhacayeen weeraro uu khasaare ka soo gaaray ciidamada Jabuuti, kuwaas oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this