Deeq A. Posted September 22, 2019 Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo saaka aroortii hore dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceel Saliini oo ku yaalla duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dagaalka oo socday muddo saacado ah ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, inkasto aan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay. Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkaasi waxa ay sheegtay in ay la wareegtay gacan ku heynta saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi. Sidoo kale waxa ay sheegatay in ay ku dishay dagaalkaasi askar badan, kuna qabsatay hub iyo illaa lix gaadiid ah, sida ay hadalka u dhigtay. “Allaah fadligii si buuxda ayaan gacanta ugu dhignay xerada waxaana hadda gudaha xerada daadsan meydadka askartii cadowga iyo gaadiidkii ay ka cararee.” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo la hadlay Idaacada Andalus. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada OnlineXafiiska Baydhabo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites