Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Farmaajo oo casho sharaf u sameeyey qaar ka mid ah madax goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo soo gaaray Caasimadda.

Casho sharafta ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb-galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxweynaha iyo masuuliyiintan heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo in wadajir loogu sii amba-qaado dadaallada dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoreynta deegaannada ay argagixisadu Alshabaab ku dhibaateeyaan shacabkeenna.

Dhammaan Madaxda Qaranka ee xalay kulankan yeeshay ayaa isla qiray muhiimadda wadashaqeynta masuuliyiinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo ilaalinta danta guudi ay u leedahay xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna Soomaaliyeed ee ku hamminaya dib u soo celinta maqaamkii dalkeennu uu ka lahaa caalamka.

105A5387.jpeg IB0A5380.jpeg 105A5395.jpeg IB0A5426.jpeg 105A5398.jpeg 105A5387-1.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this