Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Kenya Ka Iibiyay Diyaarado Dagaal

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dowladda Mareykanka ay ka iibsatay lix ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Helicopters-ka loo yaqaano.

helicopter.jpgHQUKTF-2008-249-054

War ka soo baxay Wasaaaradda difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in lixda diyaaradood oo ah nooca choppers ay dhawaan tagayaan Kenya.

Lynn Tilton, oo ah madaxa fulinta shirkadda sameysay diyaaradahaas ayaa sheegtay in sidoo kale dowladda Kenya u tababarayaan duuliyayaashii ka xeyn lahaa iyo shaqaalaha ka shaqeynaya.

Diyaaradahan ayey Kenya sheegtay inay u adeegsaneyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Saraakiisha u hadashay Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Kenya ayaa sheegay in diyaaradahaas saldhig looga dhigayo Garoonka Ciidanka Cirka Kenya ee Moi oo ku yaalla Mombasa.

Dowladda Kenya ayaa hore u sheegtay inay iibsatay 12 diyaaradood kana iibsatay Mareykanka hayeeshee aan wali la gaadhsiin dalkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this