Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Ceel-Afweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceel-Afweyne (SMN) – Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay, 9 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo beeleed oo wada dega agagaarka degmada Ceel-Afweyn ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay arrimo la xariira dhul daaqsimeed oo ay isku heystaan maleeshiyaadkaasi.

Guddoomiye gobolka Sanaag, Mudane Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) ayaa sheegay in haatan xaaladdu ay dagan tahay, islamarkaana labada maleeshiyo beeleed ay kala dhex galeen ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga ee maamulka Somaliland.

Gobolka Sanaag, gaar ahaan Ceel-Afweyn ayaa waxaa ku soo laab laabtay dagaallo xoogan oo u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan oo wada daga halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this