Sign in to follow this  
Deeq A.

Bayle “Waxaa rajaynaynaa in nalaga Cafiyo daymaha”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shirkii jaraa’id ee billaha ahaa ugu qabtay Muqdisho warbaahinta, waxaa uu uga hadlay guusha Soomaaliya ka gaartay wada hadalkii ugu dambeeyay ee barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiir Beyle ayaa soo dhaweeyay warbixintii ay soo saartay hey’adda lacacga aduunka oo ay ku sheegtay in Soomaaliya ay dhameystirtay qeybta koowaa d eewajiga afaraad ee deyn cafinta waxaana uu dul istaagay shuruudihii ku xernaa.

Wasiirka Maaliyadda ayaa soo hadal qaaday shuruudaha ku xeeran wajiga afaraad ee barnaamijka dayn cafinta ,waxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay raja wanaagsan ka qabto ka guul gaaridda wada hadallada dayn cafinta.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxaa uu hoosta ka xariiqay guusha wada hadalada deyn cafint inay ku xeran deganaashaha dalka iyo in Soomaaliya ay ka soo baxdo shuruuraha horyaalo waxaana uu bogaadiyaya dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo balan qaaday inay taageerayaan talaab walba oo Soomaaliya looga cafinayo deynta.

Geedi socodka wada hadallada dayn cafinta Soomaaliya oo soo maray wajiyo kala duwan ayuu wasiirku sheegay in ugu dambeynta Soomaaliya ay rajeynayso inay guul ka gaarto sanadka soo aadan ee 2020 lagana cafiyo deymaha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this