Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo diyaarado dagaal ka soo iibsatay Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dowladda Mareykanka ay ka iibsatay lix ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Helicopters-ka loo yaqaan.

War ka soo baxay Wasaaaradda difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in lixda Diyaaradood oo ah nooca choppers ay dhawaan tagayaan Kenya.

Lynn Tilton, oo ah madaxa fulinta sharikadda sameysay diyaaradahaas ayaa sheegtay in sidoo kale dowladda Kenya u tababarayaan duuliyayaashii ka xeyn lahaa iyo shaqaalaha ka shaqeynaya.

Diyaaradahan ayey Kenya sheegtay in ay u adeegsaneyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, daabulidda Ciidanka iyo agabkooda iyo wixii la mid ah.

Saraakiisha u hadashay Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Kenya ayaa sheegay in diyaaradahaas saldhig looga dhigayo Garoonka Ciidanka Cirka Kenya ee Moi oo ku yaalla Mombasa.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in ay iibsatay 12 diyaaradood kana iibsatay Mareykanka hayeeshee aan wali la gaarsiin dalkaas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this