Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Iyo Itoobiya Oo Heshiis Kala Saxeexday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye ayaa Heshiis Is-afgarad oo la xidhiidha Iskaashiga Horumarinta Warbaahinta la saxeexday dawladda Federaalka Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya.

70931710_2741457019219490_50691350952694

Dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland waxa heshiiska u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Maxamed Muuse Diiriye, halka dhanka Itoobiyana uu saxeexay dhigiisu Dr.Naguse Natuko, Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya.

Nuxurka heshiiska ayaa la xidhiidha sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen xidhiidhka warbaahineed ee labada dal, kor-u-qaadida aqoonta, xirfada iyo tiknoolajiyadda Raadyow Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka, is-dhaafsiga wararka iyo macluumaadka labada dal iyo yagleelidda xidhiidh dhaqan oo labada dad iyo dal wada yeeshaan.

Munaasibada saxeeexa heshiiska ayaa ka qabsoontay Xarunta dhexe ee Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya. Taas oo ay goobjoog ka ahaayeen qaybaha kala duwan warbaahinta Dawladda Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this