Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo soo dhoweysay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilowday Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilowday gobolka Bakool.

War qoraal oo ka soo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay inay soo dhoweyneyso abaabul kasta oo ka dhanka ah Al-Shabaab

Sidoo kale dowladda ayaa ugu baaqday guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dagaalka adag ee lagula jiro kooxdaasi.

“Kacdoonka shacabka ee looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, wuxuu horay uga socday gobollada Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan, taasoo lagu wiiqay itaalka kooxda Al-Shabaab ee maafiyada ah,,dowladdu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo duulaanka ku ah Diinta, Dadka, Hanitda iyo dowladnimada Soomaaliya.”ayaa lagu yiri waraxaafadeedka.

Warkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay koox la magac baxday Cali Qaran oo ah maleeshiyaad deegaanka ah ay Al-Shabaab kula dagaalameen deegaanka Yab Yab hoos yimaada magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Waa kooxdii labaad oo is abaabusha, islamarkaana la dagaalanta dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, waxaana kooxdan ka sii horreysay Macawiisley oo hadda ka dagaalanta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this