Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyeyaasha Ingiriiska Iyo Qatar Oo Kulan Ku Qaatay Magaalada London

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Raysal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in uu sii xoogeysanayo xidhiidhka dalkiisa uu la leeyahay Qatar, intii lagu guda jiray soo dhaweyn uu ugu sameynayay aqalka Downing boqorka Dalkaasi.

15690060445691e.jpg

Sheikh Tamiim bin Xamad Al-Thani ayaa dhankiisa soo dhaweeyay kulanka uu Jimcihii shalay la qaatay mr Johnson, isaga oo rajo ka muujiyay in ay sii xoojin doonto xiriirka labada Dhinac.

Mas,uuliyiinta Dooxa iyo London ayaa isla soo qaaday arimo badan oo quseeya labada dal walow warbaahinta ay dibad joog ka aheyd Kulankaan.

Ra’isul wasaare Johnson ayaa tilmaamay in kulanka u xoojin doono xidhiidhka labada dhinac ka hor inta uu boqorka Qatar u soo safrin magaalada London.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this