Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal geystay khasaare xoogan oo ka qarxay Ceel-Afweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo markale dib uga qarxay deegaano hoostaga degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo qada daga halkaasi.

Wararka ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid, kadib markii meelashiyaadkaasi ay isku qabteen arrimo la xariira dhul daaqsimeed.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Mudane Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in dagaalkaasi 5 qof, kuna dhaawacmeen 9 kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xiisadaasi ay ku baxeen ciidamada Somaliland, islamarkaana haatan xaaladdu ay tahay mid degan.

Xiisadan dib uga soo cusboonaatay gobolka Sanaag, ayaa ku soo aadeysa, iyadoo saacadihii la soo dhaafay colaadaha gobolkaasi uu si kulul uga hadlay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inay ka maamul ahaan ka hortagi doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this