Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muudey oo la kulmay Waare iyo Lafta Gareen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golahaasi, Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa xalay kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Kulankan oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa ahaa mid is xog-wareysi iyo soo dhaweyn Madaxweynayaasha Maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa kulanka lagu soo qaaday howlgallada ciidanka huwanta ee ka socda gobollada Shabeelooyinka ee maamulladaasi.

Waare iyo Lafta Gareen oo maalmo ku sugan Muqdisho ayaa horay ula kulmay qaar ka mid ah madaxda dowladda fedederaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ay la kulmeen ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha gobolka Banaadir , Cumar Filish oo ay ka wada hadleen arrimo la xariira ammaanka.

FB_IMG_1569043220408.jpg FB_IMG_1569043226407.jpg FB_IMG_1569043236695.jpg FB_IMG_1569043211818.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this