Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo maanta saxiixaya sharci cusub (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa gelinka dambe lagu wadaa inuu  saxiixo sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa ee labada heer.

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa saacadaha soo socda la filayaa in lagu qabto xarunta madaxtooyada Qaranka, taas oo lagu meel marinayo sharcigaasi.

Sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka musuqmaasuqa oo soo maray heerar kala duwan ayaa ugu dambeyn maanta oo Sabti ah lagu wadaa in qalinka uu ku duugo Madaxweyne Farmaajo.

Sharcigan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka, islamarkaana xilligan loo qabo baahi weyn guud ahaan Soomaaliya.

Haddii uu dhaqan galo sharcigan weliba sidii loogu tala galay ayaa waxaa uu wax ka bedali doonaa arrimaha musuqa ee ka jira ee hay’adaha dowladda iyo guud ahaan dalka.

Caasimada Online                                       
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this