Sign in to follow this  
Deeq A.

Kacdoon la mid ah kii lagu riday Xusni Mubaarak oo ka staadhmay dalka Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Kacdoon la mid ah kii lagu riday Xusni Mubaarak oo ka staadhmay dalka Masar

 masar.jpg

Kumanaan qof oo ah dibad-baxayaal taageeraya dimoqraadiyadda ayaa isugu soo baxay magaalooyinka kala duwan ee dalka Masar, si ay u dalbadaan is-casilaadda madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dibad-baxayaasha oo ku qeylinaya “kaca, ha cabsanina, Sisi waa inuu baxaa, dadkana waa in dalbadaan inuu taliskan uu dhaco.”

Dibad-baxyada ayaa looga soo warramay magaalooyinka Qaahira, magaalada labaad ee ugu weyn ee Alexandria, iyo magaalada Suez.

Saraakiil aan xirneyn dharka ciidanka ayaa ka hortagay dibad-baxayaasha oo isku dayey inay tagaan Fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira. Dhowr qof ayaa lagu soo warramay in lagu xiray Qaahira.

Dibad-baxyada ayaa yimid kadib markii ganacsadaha iyo jilaaga Masriga Mohamed Ali uu el-Sisi ku eedeeyey musuq-maasuq, uguna baaqay shacabka inay waddooyinka isugu soo baxaan oo ay dalbadaan in xilka laga qaado el-Sisi.

“Haddii el-Sisi uusan ku dhowaaqin is-casilaadiisa Khamiista, dadka Masar waxay Jimcaha isugu soo bixi doonaan fagaarayaasha, ayaga oo mudaaharaadaya, “ayuu Ali ku yiri muuqaal la baabhiyey Talaadadii.

Kacdoon midkan la mid ah oo dhacay 25-kii Janaayo iyo 11-kii Febraayo 2011 ayaa horseeday inuu xukunka ka dego madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xosni Mubarak.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this