Deeq A. Posted September 20, 2019 Muqdisho (SMN) – Cabdi Xasan Xijaar, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa shaaciyey in isbedel weyn lagu sameeyay howlihii maalinlaha ee hay’adda CID-da. Sidda laga soo xigtay Mr Xijaar, xarunta hay’adda ayaa waxaa kaliya loo tegi doonaa wixi hadda ka dambeeyay baaritaanka muwaadinka. Warqaaha Sugnaanta iyo Dhalashadda ayuu carabka ku adkeeyay in laga qaadan doono xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir. Tani ayuu hoosta ka xariiqay in ay sahleyso in la ogaado goobta uu degan yahay muwaadinka, qeybna ka qaadaneyso xaqiijinta amniga caasimadda. Hadalkan ayuu ka jeediyay taliyaha munaasabad shalay ka dhacdey Muqdisho oo dib loogu howlgelinayey hay’adda dambi baarista oo dib u habeyn lagu sameeyay. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/CID.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites