Deeq A. Posted September 20, 2019 Baardheere (SMN) – Gudoomiyaha magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo, Cabdullaahi Xasan Nuur [Cadow] ayaa waxa uu dib ugu laabtey degmadaasi. Mr Cadow oo war-fidiyeenka la hadlay ayaa waxa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta diiraan oo ay u sameeyeen mas’uuliyiinta iyo shacabka. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu shacabka ka codsadey in ay kala shaqeeyaan sidii amniga sarre loogu qaadi lahaa. Hadalka gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya iyadda oo ciidanka xooga ay degaano dhaca Gedo ka wadaa howlgalo ka dhan ah AlShabaab. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Gedo.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites