Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiirka Al-Shabaab oo war kasoo saaray kiiska badda, arrinta Jubaland, maal-gashiga Somalia iyo qodobo kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka  Al-Shabaab, ayaa baahiyay qudbad dheer oo laga soo duubay hoggaamiyahooda ninka lagu magacaabo Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda, taas oo uu kaga hadlay arimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka.

Qodbadda oo socaneysa mudo 20 daqiiqo ah ayuu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin maalgashiga dalka, dagaalka lagula jiro ururkiisa, maamul goboleedyada, kiiska badda ee dacwadiisu taallo ICJ, dhulka Soomaaliyeed ee ay maamusho Kenya ee NFD iyo arimo kale.

Abuu Cubeyda ayaa ugu horeyn ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxuuna sheegay in khilaafkaas uu banaanka soo dhigay saameynta ay Kenya iyo Itoobiya ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya iyo go’aanada dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

“Xitaa go’aanadooda siyaasadeed u madax banaana, talaaba kastoo ay qaadayaan waxay u bandhigaan shisheeyaha, waxaa tusaale idin kugu filan waxa hadda ka socda Kismaayo iyo sida ay Itoobiya u maamuleyso talaabo kastoo ku saabsan doorashadii lagu qabtay ee maamulka ka taliya halkaas, sidoo kale Galgaduud waxaa ka taagan qalqal doorasho, kadib markii lagu daabulay ciidamo kala keenay Addis Ababa” ayuu yiri hoggaamiyaha Al-Shabaab.

Mar uu ka hadlayay maalgashiga dalka ayuu sheegay Abuu Cubeyda in dalkan uu yahay dalka barwaaqeysan oo dhan kasta hodan ka ah, Allaahna uu ku maneystay macaadin iyo kheyraad fara badan kuwaas oo bad iyo barri intaba ka buuxa, isagoo ku baaqay dadku ay maalgashadaan dhulkooda kana kaaftoomaan gacan hoorsiga shisheeyaha.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed ee muslimka ah ku dhiiragelinayaa in ay dalkooda maalgashadaan, dhulkoodana tacbadaan, dadkooda tabaaleysanna gacan qabtaan” ayuu yiri Abuu Cubeyda.

Mar uu soo hadal qaaday faragalinta shisheeyaha oo uu tilmaamay in ay hormuud u yihiin Mareykanka iyo Ingiriiska ayuu sheegay in ay duulaan ku yihiin Soomaaliya, kana hortaaganyihiin ku dhaqanka shareecada Islaamka, isla markaana ay ku dirqinayaan dhaqanada reer Galbeedka, boobna ay ku hayaan kheyraadka umadda Soomaaliyeed.

“Mareykanka iyo Ingiriisku waxay doonayaan in aan u hogaansano oo marna aanan iska difaacin, waxay doonayaan in gumeystaha Afrikaanka ah ee Kenya iyo Itoobiya horboodayaan aanan iska dulqaadin, waxay doonayaan in gumaadka iyo xasuuqa ay ku hayaan bulshada Muslimka ah indhaha ka daawanno, gacmahana ka laabano, dhagahana ka owdano, waxay doonayaan inaan gardaradooda iyo gaboodfaladooda ay har iyo habeen kula kacaan Umadeena aqbalno oo marna aanan ka guban oo ka gilgilan” ayuu yiri.

Hoggaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubeyda ayaa sidoo kale soo hadal qaaday muranka badda ee ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhankooda aysan aqbali doonin wax waliba oo ka soo baxa maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, lana dagaalami doonaan Kenya ilaa inta laga soo dhicinayo dhulka ay heysato ee NFD.

“Waxaan Umadeena muslimka ah ku wargelineynaa in Al-Shabaab kasoo horjeedaan gaashaankana u daruurayaan go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamadda ICJ ee ku saabsan loolanka badda Soomaaliya ka taagan, waxaan caalamka u sheegeynaa in badaheenu ahayn kuwa gorgortan aan ka galeyno, martina ugama noqoneyno dowlado Shisheeye” ayuu ka yiri kiiska badda.

Isagoo sii hadalayay ayuu yiri, “Waxaa laga rabaa Umadeena in ay ku baraarugto in Kenya ay soo liqday dhul baaxad weyn, ka hor inta aysan badda u hanqal taagin, Itoobiyana waa tan hadda loo saxiixay Dekado dhowr ah, dalkuna wuxuu ku socdaa in la wada xaraasho haddii aydaan ka hortagin”.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this