Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo masuul cusub u magacaabay Hawlgalka EUCAP Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15689036723521612.jpg?w=1000&ssl=Chris Reynolds

Maanta, Chris Reynolds waxaa loo magacaabay Madaxa Howlgalka EUCAP Somalia. Wuxuu shaqada kala wareegayaa Maria-Cristina Stepanescu (oo ka socotay Dalka Romania) oo ahayd Madaxa Howlgalka laga soo bilaabo 1dii Sebtember 2016.

Chris Reynolds, oo ah muwaadin u dhashey dalka Ireland, ayaa ahaa ku-xigeenka madaxa howlgalka islamarkaana ahaa Madaxa Shaqaalaha illaa iyo Janaayo 2019. Sanadkii 2016-2017, wuxuu ahaa madaxa howlgelinta. Sidoo kale, wuxuu horay uga soo shaqeeyey Ciidamada Badda Ireland iyo Ilaalada Xeebaha Ireland.

Waajibaadka shaqo ee EUCAP Somalia  ayaa ah in kor loo qaado awoodda sharci-fulinta madaniga ah ee dhanka badaha Soomaaliya iyadoo maasuuliyiinta Soomaaliya laga taageerayo sidii loo horumarin lahaa shuruucda lagama maarmaanka ah, xoojinta silsilada cadaalad-marinta dembiilaha ee dhanka badaha, iyo bixinta tababaro iyo qalabeyn. Howlgalku wuxuu sidoo kale talo-bixin dhanka siyaasadda ah siiyaa Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya iyo booliska, iyadoo la taageerayo dadaallada Midowga Yurub iyo hawlgalayaasha kale ee caalamiga.

Waajibaadka shaqo ee Hawlgalkan wuxuu socon doonaa illaa 31ka Diseembar 2020. Mudadan, waxaa kharash ahaan ugu baxaysa miisaaniyad lacageed oo dhan € 66.1 milyan inta u dhaxaysa 1 Janaayo 2019 illaa 31 Disembar 2020, wuxuuna leeyahay shaqaale gaaraya 111 shaqaale oo ka kala socda 19 dal (93 shaqaale caalami ah iyo 18 shaqaale maxalli ah). Hawlgalkan xaruntiisu waa Muqdisho, wuxuuna xafiisyo ku leeyahay Garowe (Puntland) iyo Hargeysa (Somaliland).

EUCAP Somalia waxay qayb ka tahay dadaallada dhameystiran ee Midowga Yurub  ee ku aadan Soomaaliya, kuwaas oo ka kooban dadaallo diblomaasiyadeed, taageero horumarineed, kaalmooyin bini-aadanimo iyo sidoo kale ku-lug-lahaanshaha arrimaha dhaqan-gelinta sharciga iyo sidoo kale xoojinta sharciga. Waxaanna kamid ah labo hawlgal oo ay wada-shaqeyn ka dhaxeyso oo hoos yimaada Siyaasadda Difaaca iyo Amniga Guud: Howlgalka EUNAVFOR ATALANTA wuxuu gacan ka geystaa la dagaallanka burcad-badeednimada ka jirta xeebaha Soomaaliya, iyo EUTM Somalia oo talooyin siyaasadeed iyo mid istaraatiijiyadeed ee dhanka militariga siisa  masuuliyiinta  Soomaaliya isla markaana gacan ka geysata kobcinta tababarada Ciidamada Qaranka SoomaaliyeedC.X.D.S).

Faafinta: PUNTLAND POST

The post Midowga Yurub oo masuul cusub u magacaabay Hawlgalka EUCAP Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this