Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Bariire

Recommended Posts

Deeq A.   

Bariire (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab maanta ay ku qaadeen gudaha deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa sheegaya in hoobiyeyaashan lala eegtay fariisimo ciidamada dowladda ay ku lee yihiin deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyey, illaa labo askari oo ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona ciidamada dowladdu ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this